Su’aal: Haweenay uur leh oo soonka awoodi u lahayni maxay sameeynaysaa?

 

Jawaab: Xukunka gabadha uurka leh ee soonku dhib ku yahay waxa uu la mid yahay xukunka qofka buka, waxa kale oo la mida gabadha ilmaha nuujinaysa, oo haddii soonku dhib ku yahay labadoodaba waxa u banaan inay afuraan, laakiin qalle ayaa ku waajiba, hadalka Alle subxaanuhu awgii:

 

}وَمَنْ كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِنْ أَيَّامٍ أُخَرَ{ البقرة:185

 

{Qofkii buka ama Safar ah, waxa saaran tiro maalmo kale}.

 

Saxaabada Nabiga kuwo ka mida ayaa la sheegay inay qabeen in xaamilada iyo hooyada ilmaha nuujinaysa labadaba lagu leeyahy quudin kaliya. Waxase sax ah sida aan hore u sheegnay oo ah in xukunkoodu la mid yahay xukunka qofka buka, waayo waxa sugan in qalle waajib ku yahay, mana jiro daliil xukunkaasi lid ku ahi.

Waxa kale oo daliil u ah xadiiska Anas bin Maalik Al-Kacbi inuu Nabigu (صلى الله عليه وسلم) yidhi:

 

((إن الله وضع عن المسافر الصوم وشطر الصلاة وعن الحبلى والمرضع الصوم)) رواه أحمد وأهل السنن الأربعة بإسناد حسن.

((Ilaahay musaafirka waxa uu ka dhaafay soonka iyo salaada badhkeed, xaamilada iyo hooyada naaska nuujinaysana wuxuu ka dhaafay soonka)).  Axmed iyo afarta ehlu sunanka ayaa  ku soo weriyay isnaad xasana.

 

Waxa ay taasi tusaysaa inay musaafirka kala mid yihiin dhinaca xukunka soonka , ooy afurayaan, qallena lagu leeyahay. Haseyeeshee, gaabinta salaada, oo ah in salaadaha afarta rakcadooda laga dhigo laba rakcadood waa xukun ku khaasa musaafirka oo cid kale lama wadaagto, Ilaahay ayaa towfiiqda bixiya.

 

Sh.Ibnu Baaz

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.