Su’aal: Waa maxay xukunka soonka maalinta Caashuuraa?

 

Jawaab: Markuu Nabigu (صلى الله عليه وسلم) soo gaadhay Madiina ayaa wuxuu arkay inay Yahuudu soomaan maalinta tobnaad ee bisha Muxaram, kolkaasuu Nabigii (صلى الله عليه وسلم) yidhi:

 

((انا أحق بموسى منكم فصامه وأمر بصيامه))

 

((Anigaa Nebi Muuse idiinka xaq leh, wuuna soomay dadkana amray inay soomaan)).

 

Xadiiska Ibnu cabaas ee Bukhaari iyo Muslin isku waafaqeen ayaa sheegay inuu Nabigu (صلى الله عليه وسلم) soomay maalinta Caashuura ,dadkana faray inay soomaan. Waxa Nabiga la waydiiyay fadliga soonka maalinta caashuura Kolakaasuu yidhi:

 

((أحتسب على الله ان يكفر السنة التي قبله))

 

Hasayeeshee si Yahuuda loo khilaafo ayuu  kadib dadka amray in soonka maalinta tobnaad lala soomo maalinta ka horraysa ee ah sagaalka ama maalinta ka dambaysa ee ah kow iyo tobanka. Sidaa awgeedna sida ugu fadliga badani waa in la soomo maalinta tobnaad laguna daro maalinta ka horaysa ama maalinta ka dambaysa. Maalinta sagaalaad oo lala soomo ayaana ka fadli badan in lala soomo maalinta kow iyo tobnaad.

 

Kolkaa waxa kula gudboon walaalkayga muslinka ahow inaad soonto maalinta Caashuura iyo maalinta Sagaalaad.

 

Sh. Ibnu Cusaymiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.