Su’aal: Al-akh Cabdul Quduus Muxamed oo ku nool magaalada Riyaad ayaa waxa uu warsanayaa xukunka soonka maalinta Caashuura, iyo sida ugu fadliga badan ee loo soomi karo siday tahay, ma in maalinta ka horaysa lala soomayaa mise maalinta ka dambaysa, mise intaba waa la soomayaa, mise maalinta Caashuura too kaliya ayaa la soomayaa. Waxaanu idinka rajaynaynaa inaad arinka noo caddaysaan Allaah khayr haydinka siiye.

 

Jawaab: Soonka maalinta Caashuuraa waa sunne, waxaana sidaa u daliila axaadiis saxiixa oo Rasuulka Allaah (صلى الله عليه وسلم) ka sugan. Yahuuduna way soomi jireen maalintaa, waayo Maalintaa ayuu Allaah badbaadiyay Nabi Muuse iyo qoomkiisii, halaagayna Fircoon iyo qoomkiisii. Kolkaasuu Nabigeena Muxammadna (صلى الله عليه وسلم) u soomay inuu Allaah u shukriyo, dadkana wuxuu amray inay soomaan, wuxuuna inoo jideeyay in lala sooma maalinta ka horraysa ama maalinta ka dambaysa, waxase fadli badan in lala soomo maalinta sagaalaad, haddii  la soomo maalinta tobnaad iyo maalinta kow iyo tobnaadna way kaaga filantahay khilaafida Yahuuda. Haddii la soomo dhammaan sagaalka, tobonka iyo kow iyo tobankana wax dhibi kuma jirto,waayo axaadiista qaarkood ayay ku timid:

 

((صوموا يوماً قبله ويوماً بعده))

 

(Sooma maalinta ka horraysa iyo maalinta ka dambaysa)

 

Hasayeeshee in kaligeed la soomo waa la karaahiyaystay, Allaah ayaana towfiiqda bixiya.

 

Sh.Ibnu Baaz

Leave a Reply

Your email address will not be published.