Su’aal: Waa maxay xukunka kaatunka aroosku?
————————————

Kaatunka arooska (fargalka) waa kaatun uu ninku u hadyeeyo xaaskiisa, ragga qaarkood ayaa u galiya xaaska markuu doonayo inuu guursado ama markuu guursado ka dib. Dhaqankani waa mid aan dhinaceena hore loogu aqoon, Sheekh Albaani Ilaahay ha u naxariistee ayaa yidhi: waxa laga soo xigtay (laga soo qaatay) kiristaanka oo ninka iyo xaaskiisa ayaa baadariga ugu taga kanasiida markaasuu gabadha kaatun u galiyaa faryarada, hadana faadumada, hadana fardhexada, anigu garan maayo sida loo gashado laakiin wuxuu yidhi: waxa laga soo xigtay kiristaanka, sidaa awgeed waxa haboon in laga tago si aynaan iskugu ekaysiin cid kale. Waxaad taa ku dartaa in dadka qaarkood ka rumaysan yihiin caqiido, ninku magaciisa ayuu ku qoraa kaatunka uu doonayo inuu iyada siiyo, iyaduna magaceeda ayay ku qortaa kaatunka uu ninku gashanayo, waxayna rumaysan yihiin in inta uu ninku xidhan yahay kaatunka uu magaca xaaskiisu ku qoran yahay, xaaskuna xidhan tahay kaatunka uu ku qoran yahay magaca ninkeedu ayna kala tagi doonin (is furi doonin), caqiidadani waa nooc shirkiya oo waxay ka mid tahay at-tiwalah, oo ay sheegan jireen in ay xaaska jeclaysiiso(tiwaladu) ninkeeda ninkana xaaskiisa, marka laga fiiriyo dhinaca caqiidadana waa xaaraan.

Kolkaasi waxa kaatunka arooska ku xeeran laba arimood oo ah, arinka hore: In laga soo qaatay kiristaanka, arinka Labaad: Haddii uu ninku ictiqaado (rumaysan yahay) inuu yahay (kaatunku) sababta xidhiidhka isaga iyo xaaskiisa isku haya, kolkaasi waxay noqotay nooc ka mida shirkiga, sidaa awgeed waxaan aragnaa in ay wanaagsan tahay in layska daayo.

Ibnu Cusaymiin.

Aliqaa’ Ash-shahri: 1/46.

Waxa kale oo Sh.Maxamed, Ilaahay ha u naxariistee, yidhi:

Waayo kani (kaatunku) raad kuma laha xidhiidhka ka dhexeeya ninka iyo xaaskiisa, waxana dhaba inaanu aragno nin kaatunka u gashada in isaga iyo xaaskiisu wada joogaan, hase ahaatee waxa dhex yaala kala tag iyo khilaaf aan dhex oolin kuwo aan gashan kaatunkan, wax jira .dad badan oon gashan laakiin xaalad wanaagsan kula nool xaaskooda.

Ibnu Cusaymiin.

Majmuuc Fataawaa: 18/112