Su’aal: Waa maxay xukunka ictikaafku? Bixitaanku ma u banaanyahay qofka muctakifka ah si uu xaajadiisa (musqusha) u guto, cunto iyo dawo raadsado? Waa maxay sunanka ictikaafku, Waa maxayse ictikaafka saxa ah ee ka sugan Nabiga (صلى الله عليه وسلم)?

 

Jawaab: Ictikaafku waa in masaajidka lagu negaado si loogu banbaxo daacada Ilaahay (عزوجل) ,waana sune si loo raadasado laylatul qadriga, Ilaahayna (تعالى) wuu ku sheegay Qur’aanka sida ku xusan hadalkiisa (تعالى) :

 

}وَلاَ تُبَاشِرُوهُنَّ وَأَنتُمْ عَاكِفُونَ فِي الْمَسَاجِدِ{ البقرة: 187‏.

 

{Hana u tagina (ha u galmoonina) haweenka idinkoo ku ictikaafaya masaajidda}.

 

 

Saxiixaynka (Bukhaari iyo Muslin) iyo kuwo kaleba waxa ku sugan in Nabiga (صلى الله عليه وسلم) ictikaafay, saxaabadiisuna la ictikaaftay, ictikaafkuna  wuxuu ahaa arin banaan oon la nasakhin (xukunkiisa la bedelin).saxiixaynka waxa ku sugan sida Caa’sha (رضي الله عنها) ay tidhi: (Nabigu (صلى الله عليه وسلم) wuxuu ictikaafi jiray tobanka ugu dambeeya Ramadaan ilaa uu dhintay, isaga ka dibna waxa ictikaafay xaasaskiisii).

 

Saxiix Muslim waxa kaga sugan Abuu Saciid Al-Khudriyi (رضي الله عنه) in Nabigu (صلى الله عليه وسلم) ictikaafay tobanka ugu horeeya Ramadaan dabeetana uu ictikaafay tobanka dhexe, dabeetana uu yidhi: ((Waxaan ictikaafay tobanka hore anigoo raadinaya habeenkani (yacnii laylatul qadriga), dabeetana waxaan ictikaafay tobanka dhexe, dabeetana waa la ii yimid oo laygu yidhi: waxay ku jirtaa tobanka dambe.Hadaba qofkii jecel inuu ictikaafaa ha ictikaafo))

Markaasay dadkii la ictikaafeen.

 

Imaam Axmed (رحمه الله) ayaa yidhi:

“لا أعلم عن أحد من العلماء خلافاً أن الإعتكاف مسنون”

Ma garanayo qof ka mida culimada oo khilaaf ka keenay inuu ictikaafku sune yahay”.

Sidaa awgeed inuu ictikaafku banaan yahay waxa sugaya naska (Qur’aanka iyo xadiiska) iyo ijmaaca.

 

Meesha uu ku ansaxayaa waa masaajidda lagu oogo salaada jamaacada beledkay ku taalaba caamnimada hadalka Ilaahay awgii:

 

}وَأَنتُمْ عَاكِفُونَ فِي الْمَسَاجِدِ{ البقرة: 187‏ .

 

{Idinkoo ku ictikaafaya masaajidda}.

 

Waxana fadli badan in lagu ictikaafo masaajidda lagu oogo salaada jimcaha si aanu ugu baahan inuu u baxo  inuu soo tukado, hadduuse ku ictkaafo masaajid aan lagu tukan salaada jimacaha , wax dhibi kuma jirto inuu u baxo salaada jimcaha.

 

Waxa u haboon muctakifka inuu ku mashquulo daacada Ilaahay, caza wajal, sida salaada, akhriska Qur’aanka, digriga Ilaahay, caza wajal, waayo kaasi weeyi ujeedada ictikaafku, wax dhibina kuma jirto inuu wax yar la sheekaysto saaxiibadii, khaasatan haddii ay faa’iido ku jirto.

 

Muctakifka waxa ka xariman galmoodka (jimaaca) iyo wixii hordhac u ah.

 

Bixitaanka uu muctakifku ka baxayo masaajidka waxay culimadu u qaybiyeen seddex qaybood:

Kow: Mid banaan, waan inuu u baxo arin lagama maarmaana oo sharciga iyo abuurkaba waafaqsan, sida u bixida salaada jimacaha, cunada iyo cabitaanka haddii ayna jirin cid u keenaysaa, waxa kale oo ka mida u bixida waysada iyo maydhashada waajibka ah, iyo xaajo gudashada (musqusha).

Laba: U bixida daacada (camal cibaado ah) oon isga ku waajib ahayn sida booqashada qof buka iyo  ka qaybgalka janaasada. Haddiise uu shardi ka sii dhigtay bilowgii ictikaafkiisa kolkaa way u banaan tahay (siyaarada qof buka iyo raacida janaasadu) haddii kale uma banaana (inuu baxo).

Seddex: U bixidda arin ka soo horjeeda ictikaafka sida tagista guriga, ganacsiga, jimaaca xaaska iwm, arimahaasi ma banaana shardi iyo shardi la’aanba. Ilaahay ayaa towfiiqda bixiya.

 

Sh.Ibnu Cusaymiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.