Xamuuradda Cidiyaha Iyo Weysada

Su’aal: Waa maxay xukunka gabadh cidiyaha marsatay xamuurad?

Jawaab: Xamuuradu waa walax (shay) la mariyo cidiyaha oo haweenku isticmaalaan waxayna leedahay dahaadh, mana banaana inay gabadhu isticmaasho haddii ay tukanayso waayo waxay manciyaysaa(diidaysaa) inay biyihu gaadhaan (cidiyaha) marka la dahaaro qaadanayo. Wax walba oo diidaya gaadhitaanka biyuhu uma banaana inuu isticmaalo qofka weyso qaadanayaa ama maydhanayaa, waayo Ilaahay ayaa yidhi: {فَاغْسِلُوا وُجُوهَكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ} {maydha wajiyadiina iyo gacmihiina}.

Gabadhana haddii ay xamuuradi kaga taalo cidiyaha biyuhu ma gaadhayaan (cidiyaheeda) sidaa awgeed may maydhin gacanteeda, kolkaasi waxay ka tagtay farad ka mida faralada weysada ama maydhashada (qubaysiga).

Haddiise ay caadadii (xaydkii) leedahay oo ayna tukanayn wax dhibi kuma jirto inay isticmaasho, laakiin haddii uu yahay wax ku gaara dumarka gaalada uma banaana waayo ku-dayasho gaalo weeyi.

Waxaan maqaly dad ku fityooday in xamuuraddu la mid tahay xidhashada labada khuf oo ay u banaantahay qofka dumarka ah in ay iticmaasho xamuuradda maalin iyo habeen hadday degen tahay, haddday safraysana (socdaalayso) seddex maalmood, laakiin fatwadani waa qalad (sax maaha), oo wax walba oo ay dadku ku asturaan jidhkoodu lama mid aha labada khuf, waayo labada khuf shareecada ayaa sheegtay in korkooda la masaxi karo illeen dan baa inta badan ku jirta sidaasiye, cagtuna waxay u baahan tahay in la diiriyo oo la qariyo waayo waxay taabanaysaa dhulka , quruuraxa, qabowga iyo wixii la mida.

Sidaa awgeed ayuu shaaricu labada cagood ku gaar yeelay in la masaxo, waxa laga yaabaa inay kaloo uga qiyaas qaataan cimaamadda, kaasina sax maaha waayo cimaamadda meesheedu waa madaxa, faradka (weysada) ee madaxana asal ahaanba waa la khafiifiyay oo faradka madaxu waa in la masaxo oo waa ka duwan yahay labada gacmood, waayo faradkoodku waa in la maydho.

Sidaa darteed Nabigu صلى الله عليه وسلم uma banayn haweynayda inay masaxdo qafaasaynka (labada galoof ee gacmaha ugu jira) in kastoo ay qarinayaan gacmaha, kaasina wuxuu tusayaa in ayna banaanayn in qofku wax walba oo diidaya inay biyuhu gaadhaan (xubinta waysada) uga qiyaas qaato cimaamadda iyo khufaynka, Muslinkana waxa ku waajiba in intii karaankiisa ah ku dadaalo garashada xaqa, kuna dhiiran fatwo mooyaane isagoo dareemaya inuu Ilaahay waydiin doono, waayo wuxuu ka tarjumayaa shareecada Ilaahay caza wa jalla. Ilaahay ayaa tawfiiqda bixiya kuna hanuuniya jidka toosan.

Sh. Ibnu Cusaymiin

Fataawaa Wa Rasaa’il: 11/148-149.