Waa Maxay Fatwadu?

Dr.Maxamed Kaariye

Walaalkeen Yuusuf Xasan ayaa ku qoray qaybta “comment’s” sidan”: “Maa Shaa Allaah, laakiin fatwo maxaa af soomaali lagu dhahaa”.

Yusuf wuxuu faalo ka bixiyay kalmad muuqaala oo ahayd soo dhaweyn ku saabsan Fatwa Somali oo aan anigu jeediyay

Waxaan leeyahay walaalkeen waa runtii oo af-Soomaali kuma sharxin waxay fatwadu tahay, qaladkana anigaa iska lahaa ee raali ahaada.

Bal ila eega iminka waxay culimadu ku sharxeen macnaha fatwada.

Fatwa: Waa fatwo bixin, fatwadana Af-Carabiga waxa loogu dhawaaqaa al-fatwaa Wadarteeduna (jamaceedu) waa fataawii oo ah in xarafka waawga la hoos dhabo oo kasra la saaro, ama la sahlo (la takhfiifiyo) oo la yidhaa fataawaa iyadoo xarafka waawga la kor dhabayo oo fatxa la saarayo.

Macnaheeduna waa in la sheego oo la caddeeyo xukunka su’aasha qofka wax warsanaya, ama waa jawaabta muftiga.

Muftiguna waa sheekha ama faqiiha su’aasha uga jawaabaya si sharciya oo diinta waafaqsan. Sidaa awgeed waxaynu halkan ula jeednaa waxa la xidhiidha xukunka sharciga ah.

Xukunka sharcigi: Waa xukunka Ilaahay caza wajalla ee la xidhiidha ficilada ama falalka mukalafiinta oo ah dadka ay saaran tahay masuuliyadda diinigi.

Halkana waxa ka baxay caddaynta iyo jawaabaha lagaga jawaabo arimo aan sharci ahayn sida su’aalaha la iska weydiiyo suugaanta, dhismaha guryaha, samaynta gawaadhida, caafimaadka iwm, oo kuwaasi ma aha fatwo.