Tuko Intaad Nooshahay

Tuko oo tuko…oo ha dayacin Salaada.

Tuko oo tuko oo ha ka wahsan salaada.

Tuko oo tuko oo ha hilmaamin Salaada.

Tuko oo tuko oo dib ha dhigin salaada.

Tuko oo tuko waa farad Ilaahay salaaduye.

Tuko oo qadari salaada.

Tuko oo weynee salaada.

Tuko oo wax walba ka hor mari salaada.

Tuko salaadu waa rukniga labaad ee Islaamkee.

Tuko salaadu wa dardaarankii Rasuulkee.

Tuko intaanad aduunka ka hadaafin.

Tuko intaan sakaraadku ku qaban.

Tuko intaan naxashka lagu saarin.

Tuko intaanad xabaasha ku hoyan.

Tuko intaan iilka lagu dhigin.

Tuko intaanad aakhiro ku aroorin.

Tuko walaal su’aal baa dambaysee.

Tuko walaal xisaab baa ina sugaysee.

Mar walbana Ilaahay bari inuu ku waafajiyo salaada.

Ilaahay bari inaad ku raaxaysato salaada.

Ilaahay bari inaad ku qabowsato salaada.

Ilaahay bari inaad ku degto salaada.

Ilaahay bari inaad ku xasisho salaada.

Ilaahay bari inuu kaa badbaadiyo taariku salaadnimo.

Ilaahay bari inuu kaa dhigo adoon suuban oo salaada ooga.

Salaadu waa tilmaanta Islaamkee bari Ilaahay inuu burhaanteeda ku siiyo.

Ilaahow adaa Raxiimoo raxmaanee naga dhig ehlu salaadka oo na raacsii adoomahaaga saalixiinta ah.

Amiin!!

Dr. Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye~