Ramadaan Waa Maalmo Tirsan

Mar walba oo wahsi kugu yimaado.

Mar walba ood gaabin iska dareento.

Mar walba ood ka caajisto taraawiixda.

Mar walba oo tahajudku kugu adkaado.

Mar walba ood cagajiid isku aragto.

Mar walba oo naftu xakamaynta diido.

Mar walba oo naftu dabarka gooyso.

Mar walba oo hawadu ku jiidato.

Mar walba oo shaydaanku ku waswaasiyo.

Mar walba oo shahawaadku kuu dhawaaqaan.

Bal xusuuso Ramadaan waa maalmo tirsane.

Tobankii hore ayaa dhammaad durbaba ku dhaw, Inta kalena way ka daba tagi dhawaan.

Waxase hadhi oo baaqiya ajarka laga helayo gaajada, oonka, daalka, soojeedka habeenka ee qiyaamka iyo tahajudka iyo istiqfaarta xiliyada suxuurta ee habeenka intiisa dambe.

Haddaad bisha intii tagtay is dhigatay ama aad barkimada dheeraysatay, isdaba qabo inta hadhay ee goori goor tahay oo nafta xakamee Ilaahayna caza wajalla ka bari inuu ku kaalmeeyo kuna waafajiyo cibaadada iyo daacada.

Geediga saalixiinta ee hayaamay dhinac ka raac oo yaan cidlo lagaaga tagin.

Tartan ayaa lagu jiraaye ayaan lagaa dheerayn.

Janadii ayaa meel fog laga bidhaansadee guntiga adkayso.

Ilaahay talo saaro, khayr rajee , niyada iyo camalka hagaaji, nafta sandulee, shaydaanka iska celi, kuna dadaal cibaadada iyo daacada.

Han sare yeelo, meel fog wax ka eeg, nafta ka adkow, jiifkana ka kac oo yaan Ilaahay lagaaga dheerayn.

Dr. Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Kaariye