Su’aal: Sidee ayaa ugu fadli badan in loo soomo lixda Shawaal?

 

Jawaab: Sida ugu fadliga badani waa in soonka  lixda maalmood ee Shawaal lagu xigsiiyo Ramadaan iyo in laysku xidhiidhiyo oon la kala goynin sida ehlu cilmigu sheegeen, waayo sidaasi ayaa aad ugu dhow ku camalfalka israacinta xadiiska lagu sheegay ((ثم أتبعه)) (dabeetana raaciya), sidoo kale sidaasi waxay ka mid tahay u degdega khayrka ay aayadaha iyo axaadiistu inagu dhiiriyeen laguna ammaanay qofkii ku camal fala, waxay kaloo sidani waafaqsantahay go’aan adayga  (xilkasnimada) oo ka mida caqli badnida qofka, maxaa yeelay ma banaana in la dayaco fursadaha, qofkuna kama warhayo waxa uu kala kulmi doono mustaqbalka. Waxaan u jeedaa u degdega iyo ka faa’iidaysiga fursadaha,  oo loo baahan yahay in adoonku  sidaa ka yeelo arimihiisa oo dhan marka saxnimadoodu cadaato.

 

Sh. Ibnu Cusaymiin

 

Fiiro: Hadalka sheekha ee ah “Sida ugu fadliga badani waa in soonka lixda maalmood ee Shawaal waa in lagu xigsiiyo Ramadaan” yaana laga fahmin in ay banaantahay in la soomi karo maalinta ciidda. Soomintaanka maalinta ciiddu waa xaaraan, mana banana, ujeedada sheekhuna waa in soonka lixda Shawaal la bilaabo maalinta ciidda ku xigta. Tarjumaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.