Qof Aan Wayso qabin Inuu Akhriyo Qur’aanka

Su’aal: Sh.Ibnu Cusaymiin ayaa la waydiiyay xukunka in qofka aan wayso qabin Qur’aanka akhriyo?

Jawaab: Waxba kuma jabna inuu qofka aan wayso qabini akhriyo Qur’aanka haaddii aanu taaban musxafka (kitaabka Qur’aanka), waayo akhrinta Qur’aanka shardi uma aha inuu qofku wayso qabo, haddiise uu janaabo leeyahay marnaba uma banaana inuu Qur’aanka akhriyo ilaa uu maydho (qubaysto).

Laakiin dhib ma laha inuu Qur’aanka ka akhriyo sida bisanka oo kale oo yidhaa بسم الله الرحمن الرحيم ) ( ama yidhaa إنا لله وإنا إليه راجعون) haddii ay musiibo ku dhacdo, iyo adkaarta la mida ee laga qaatay Qur’aanka.

Sh. Ibnu Cusaymiin.

Majmuuc Fataawaa Wa Rasaa’il:11/212.