Su’aal: Markuu dhinto qof Muslina oo laakiin faasiq ahaa intuu noolaa miyay banaan tahay in Ilaahay loo waydiiyo naxariis?

Jawaab: Haa, way banaan tahay in Ilaahay loo waydiiyo naxariis, looguna duceeyo inuu Ilaahay cafiyo una dambi dhaafo, siday u banaan tahay oo kale in lagu tukado salaadda Janaazada hadduu faasiq ahaa oonu gaal ahayn.

Sh. Ibnu Baaz.

Majmuuc Fataawaa: 6/496.