Su’aal: Waa maxay xukunka aabaha ku qasbaya inantiisa inuu u guuriyo nin ayna raali ka ahayn?

_____________________

Sh.Ibnu Baaz ayaa ka jawaabay oo yidhi:

Jawaab: arinkaasi ma banaana, waayo Nabiga صلى الله عليه وسلم ayaa yidhi:

والبكر يستأذنها أبوها وإذنها صماتها

(Inanta bikrada ah waa inuu aabaheed ka idan qaato, idankeeduna waa aamuskeeda).

Sidaa awgeed uma banaana inuu ku qasbo nin aanay iyadu raali ka ahayn xataa hadduu yahay nin taqiya (Ilaahay ka cabsanaya), laakiin waa inuu waaniyo una tilmaamo sida uu is leeyahay khayr baa ugu jira, iyadana waxa loo jideeyay inay aabaheed ku adeecdo khayrka iyo macruufka (waxa wanaagsan) haddii uu ninka soo doonay yahay nin saalixa (suuban), markaasi waxa loo jideeyay inay adeecdo oo ay qadariso naxariistiisa iyo siduu ugu tudhayo iyo wanaaguu u sameeyay, laakiin wajib kuma aha inay adeecdo haddii aanay raali ka ahayn ninkan soo doonay iyada, xadiiska aan soo sheegnay awgii, Ilaahay ayaa tawfiiqda bixiya.

Waxa kale oo Sheekhu, Ilaahay ha u naxariistee, yidhi:

Zawjkana (ninka inanta soo doonay), hadduu ogaado in ayna rabin waa in aanu ku dhaqaaqin arinkaasi xataa hadduu aabuhu la tasaahulo (fudaydiyo), waxa ku waajiba inuu Ilaahay ka cabsado oonu doonin gabadh aan isaga rabin, xataa haddii aabaheed sheegto in aanu qasbin, waxa ku waajiba inuu ka digtoonaado waxa Ilaahay ka xarimay.

Sh.Ibnu Baaz.

Majmuuc Fataawaa: 20/413-415.