Ku Dayo Salafkii Oo Afuri Masaakiinta Sooman

Cabdullaahi ibnu Cumar intuu soomo ayuu afurin jiray masaakin, hadday reerkiisu celiyaan masaakiinta isagoon ogayna habeenkaa ma casheen jirin.

Miskiin dawarsanaya (tuugaya) ayaa u yimid Imaam Axamed bin Xanbal, markaasi ayuu siiyay laba jeex oo kimisa (rootiya) oo uu rabay inuu ku afuro.

Muxammad bin Siiriin ayaa yidhi:

“ Sacad bin Cubaada waxa habeen walba gurigiisa ka cashayn jiray 80 nin oo ka mida masaakiinta ehlu sufa”.

Xasan Al-Basri ayaa yidhi: “waxaan soo gaadhay rag ku odhan jiray ehelkooda ha celinina qof dawarsanaya”.

Culimo salafkii ka mida ayaa iyagoo sooman cunada afurkooda ugu deeqi jiray masaakiinta, waxa ka mid ahaa Cabdulaahi ibnu Cumar, Daa’uud Ad-Daa’ii, Maalik ibnu Diinaar iyo Amxmed ibnu Xanbal.

Ibnu Qayim Ayaa yidhi:

Nabigu صلى الله عليه وسلم Isagaa dadka ugu deeqisanaa, wuxuuna ugu deeq badnaa bisha Ramadaan oo wuxuu badsan jiray sadaqada, samaha Qur’aan akhriska, salaada, dikriga iyo ictikaafka.