Su’aal: Hadduu nin Muslini guursado kitaabiyad ooy dhimato ma lagu aasi karaa xabaalaha Muslimiinta mise waa maya?

Jawaab: Ma banaana in la guursado gabadh gaalo ah haddayna ahayn kitaabiyad, uma banaana inuu Muslimku guursado kaafirad haddayna ahayn kitaabiyad, kitaabiyaduna waa gabadha Yahuudiyada ama Nasaarada ah ee dhawrsoon ee lagu yaqaano dhawrsanaanta iyo zino la’aanta, waana muxsanadda sida Ilaahay jalla wacalaa ugu shardi yeelay

{ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِن قَبْلِكُمْ}.

{Iyo kuwa dhawrsoon (dumarka) ee ka mida kuwa la siiyay kitaabka idinka hortiin}. Suurat Al-Maa’idah: 5.

Hadday tahay mid dhawrsoon oo xora oo cafiifada, hadduu ku ogyahay inay tahay mid dhawrsoon oo xora oo cafiifada waxa u banaan inuu guursado, waxana ka fadli badan (ka wanaagsan) inuu iska daayo (iska dhaafo guurkeeda), waayo guurkeedu wuxuu horseedayaa gaalnimadeeda iyo inay caruurtiisu gaaloobaan, laa xawla walaa quwata illaa billaahi, Sidaa darteed waxa haboon inuu iska dhaafo guurkeeda kuna kaaftoomo inuu guursado gabadh Muslimada, laakiin hadduu guursado (kitaabiyad dhawrsoon) ooy dhimato lalama aasi karo Muslimiinta, waa in lala aaso gaalada, waayo waxay ku dhimatay diinta dadkeeda, waa in lala aaso Yahuuda iyo Nasaarada iyo gaalada la midka ah, oo lala aasi maayo Muslimiinta haddii ay ku dhimato diinta dadkeeda, Ilaahay ayaanu waydiisanaynaa caafiyad.

Sh. Ibnu Baaz.

http://www.binbaz.org.sa/noor/5263

________________________

Imaam Nawawi, Ilaahay ha u naxariistee ayaa yidhi:

“Waxay isku waafaqeen asxaabtayadu (Shaaficiyadu) Ilaahay ha u naxariistee, inaan qof Muslina lagu aasi karayn xabaalaha gaalada, qof gaalana lagu aasi karayn xabaalaha Muslimiinta”.

Al-Majmuuc: 5/285.

Waxa ku yimid al-mawsuuca Al-fiqhiya :

“Waxay isku waafaqeen fuqahadu inay xaaraan tahay in qof Muslina lagu aaso xabaalaha gaalada, sidoo kale in qof gaala lagu aaso xabaalaha Muslimiinta”.

Al-Mawsuuca Al-Fiqhiya: 21/19.

Sababta loo xarimay in Muslin iyo Gaalo laysla aasaa waa maxay:

Gaaalka cadaab ayaa loo bandhigayaa aroortii iyo galabtiiba, Muslinka lala aasayna wuu ku dhibaatoonayaa cadaabka ku socda.

Ilaahay caza wajalla wuxuu yidhi:

{النَّارُ يُعْرَضُونَ عَلَيْهَا غُدُوًّا وَعَشِيًّا وَيَوْمَ تَقُومُ السَّاعَةُ أَدْخِلُوا آلَ فِرْعَوْنَ أَشَدَّ الْعَذَابِ }.

{Naarta ayaa iyaga loo bandhigayaa aroortii iyo galabtiiba, maalinta ay dhacayso qiyaamuhuna (waxa lagu odhan doonaa) galiya reer Fircoon cadaabka ugu daran}. Suurat Qaafir: 46 .

Aayadda waxa ku cad in naarta loo bandhigayaa tahay mid loogu bandhigayo xabaalaha, oo waa cadaab barzakhiya oo ka horeeya cadaabkay kula kulmayaan naarta Jahanamo, waayo waxay aayddu sheegtay : {maalinta ay dhacayso qiyaamuhuna (waxa lagu odhan doonaa) galiya reer Fircoon cadaabka ugu daran}.

Waxaad eegtaa Tafsiir Al-Qurdubi: 15/318.

Fatwa Somali.