Fikirka Fiminiiska : Qaylo Dhaan Lagu Hungoobay:

Dr.Maxamed Kaariye

Shalay Sabtidii ayaa anigoo muxaadaro ka hadlaysa siduu Islaamku u ilaaliyay deegaanka (The environment) u jeedinaya hablo Muslimiina ayay midi i weydiisay su’aasha ah : (Can I identify myself as a feminist?) oo macnaheedu yahay: Ma isku tilmaami karaa inaan ahay feministi?

Jawaabtaan ugu jawaabay inantaasi waxay ahayd maya, sababtuna waa sida hoos ku tibaaxan ee bal ila eega.

Haddaynu dabagalno hab-dhaqanka dhaqdhaqaaqa feminiska waxa aynu arkaynaa in codkeeda xag jirki u horseeday dumarka reer Galbeedka ah inay haybsadaan fikrado iyo aragtiyo lid ku ah abuurka aadanaha (human nature) ilaa ay gaadhay gabadha reer Galbeedku heer ay ka go’day kana xuub-dhacsatay xidhiidhka ay l , si weyna u cuskatay qaab-fikir maadiya iyo aragti ka fog diinta iyo qiyamka ruuxaaniga ah mar walba oo ay ka hadlayso ama ka ..arimaha dumarka, iyadoon eegayn dhinacyada caqiida iyo ruuxaaniga iyo akhlaaqada ee u taagan tiirarka dhidba abuurka aadanaha rag iyo dumarba.

Cilmi baadhaha xariifki wuxuu haleeli karaa in fikirka feminiiski gabood ka dhiganayo xaqiijinta cadaalad bulsheed (social justice) oo ay dumarku helaan iyo in laga badbaadiyo gabadha xad gudubka ku astaysan dulaynta iyo qiimo jabinta xaqeeda. Waxayse madhaafaanka runtu tahay in baaqa famaniisku yahay been kashifantay, taasina waxa kaaga daliila in inta ugu badan fikradaha iyo mashaariicada iyo barnaamijyada ururada feminisku ku dul qotomaan xoriyada jinsiga ah oo af-Ingriiska loo yaqaan (Sexual libration), af-Carabigana lagu magacaabo (التحرر الجنسي), iyo faafinta khaniisnimada, sharciyaynta ilmo-iska-soo-ridka (Abortion), burburinta qoyska iyo in hablaha lagu dhiiri galiyo inay caasi waalidayn noqdaan kana hor yimaadaan diinta, qiyamka iyo akhlaaqdaba.

Sidaa awgeed fikirka feminiisku maaha fikir dhaqaale oo u halgamaya inuu wanaajiyo ama kor u qaado xaalada dhaqaale ee dumarka haysata, mana aha nidaam bulsho (social system) oo u shaqaynaya inuu xoreeyo dumarka siday sheegtaan kuwo hor kacaya feminisimku, balse haddii runta lagu hadlo waa fikir diinlaawe ah, waa nidaam ka madhan akhlaaqda iyo xishmada, waa aydiloojiyad shareysan oo ka dayrinaysa wanaaga iyo khayrka, waana falsafad si walba uga soo horjeeda Islaamka, lidna ku ah axkaamtiisa iyo hanuunkiisaba.

Inkastaba kuwa hormoodka ka ahi ha sheegtaan inay howl wadeeno ka yihiin mashaariic dhaqaale iyo barnaamijyo bulsheed oo lagu kobcinayo xaaladaha iyo duruufaha dumarka, waxase runa inay mashaariicdan iyo barnaamijyadan ay u adeegsadaan siday u xaqiijin lahaayeen ujeedooyin qarsoon (hidden agendas) oo halis ku ah wanaaga, xishmada, xurmada, sharafta iyo karaamada ay shareecada Islaamku huwisay dumarka Muslimiinta, ahna qiyam laga dhaxlay dumarkii salafka.

La soco: Qalabka Iyo Siyaabaha Loo Adeegsado Hirgelinta Barnaamijyada Feminiiska.